Hor istaaga midab kala sooca


DeutschEnglish | Paschtu | Somali

Kusoo biir bannaanbaxa maalinta Sabtida 16 ka bisha saddexaad 2:00 duhurnimo
Goobta kulanka: U2 Museumsquartier, Platz der Menschenrechte

Ugu dambeyn: Karlsplatz

Hor istaaga midab kala sooca
Waxa dhici doona dibad bax ballaadhan 16 bisha sadexaad.

Adduunku wuxuu u wareegayaa xuquuqda siyaasadeed iyo xisbiyada xagjirka ah eemidigta fog, kobcinta faquuqa, kasaaridda qaxootiga, muslimiinta, magangalyo doonka iyo kooxaha kale dhammaan waxay dhaawacayaan isdhexgalka bulshada)

Korukaca xaddiga masaafurinta, xannibaada magan galyo doonka, beegsashada ururada u ololeeya qaxootiga , dhimista taageerada bulshada, dhammaan waxyaalahaasi waxay xisaabsanyihiin meelkadhacyo bani aadan nimo dalka Awsteriya.

Waxaan u istaagaynaa midnimo, mana ogolaanayno, inay dawladda hadda jirtaa nagu kala qaybiso cunsuriyad iyo kala qoqob.

Wada jir tobannaan kun oo qof ayaan ku bannaan baxaynaa jidadka 16 bisha saddexaad, maadaama maalintaasi tahay maalin qaramada midoobay u astaysay ka hortagga cunsuriyadda.

Marka laysu geeyo awooddeena waan hor istaagi karnaa cunsuriyadda iyo xisbiyada midigta fog ee cunsuriyaddu madax martay.

Dhammaanteen , ururada samafalka, qorshaha taageerada qaxootiga, ururada siyaasadda iyo shaqsiyaad isxilqaamay ayaa isutaagay sinnaanta bulshada oo kasoo horjeeda cunsuriyadda.